Skip to main content

Isbedelka aaga baska RapidRide G Line iyo Madison Street

RapidRide G Line oo cusub ayaa kusoo socda Seattle 2024! Iyada oo aanu kala shaqaynayno bulshadeena iyo cida aanu iskaashiga leenahay ee Seattle, Metro Degmada King waxay wadaa dhabadan cusub oo waxay qorshaynaysaa inay bedesho dhabooyinka ku xeeran oo qayb ka ah Mashruuca Isbedelka Adeega Aaga Baska Madison Street. Iyada oo la filanayo in la furo G Line, Metro waxay eegeysaa isbedelada dhabada baska ee u shaqeeya xaafadaha Capitol Hill, Central District, First Hill iyo Madison Valley ee Seattle: dhabooyinka 3, 10, 11, 12, 47, 49 iyo 60.

RapidRide G Line oo cusub waxa uu:

  • Waxaa la bixin doonaa adeega baska 6 daqiiqo kasta badanaa maalmaha shaqada iyo Sabtiyada.
  • Isticmaalka laymanka baska oo kaliya ee cusub iyo istaanada RapidRide oo leh khadka dhexe oo ku dhereran Madison Street.
  • In laga soo galo dhamaan albaabada labada dhinac ee basta.

Adeegyada joogtada ah

Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeenkii Habeenkii
Maalmaha shaqada 6 daqiiqo 6 daqiiqo 15 daqiiqo 15 ilaa 40 daqiiqo
Sabtida 6 daqiiqo 6 daqiiqo 15 daqiiqo 15 ilaa 40 daqiiqo
Axada 15 daqiiqo 15 daqiiqo 15 daqiiqo 15 ilaa 40 daqiiqo

Fadlan oggow: Adeega wakhtiga saxmada laga bilaabo 5 subaxnimo ilaa 9 subaxnimo iyo 3 galabnimo ilaa 7 habeenimo. Adeega duhurnimo oo ka bilaabma 9 subaxnimo ilaa 3 subaxnimo Adeega habeennkii oo ka bilaabma 7 habeenimo ilaa 10 habeenimo Adeega habeenkii laga bilaabo 10 habeenimo ilaa 5 subaxnimo

Saacada adeega

24 saacadood maalinkii / 7 maalmood todobaadkii

Soojeedinta ugu danbaysa ee wadada

Xeerka Marinka Madison Street Area iyo G ayaa si aqlabiyad leh loo ansixiyay maalintii Maarso 26 waxaana ansixiyay Golaha Deegaanka ee King County.

Metro ayaa diyaarinaysa fikir uruurinta rakaabka iyo xiriiro kahor inta aan adeegga cusub la qorsheyn si loo bilaabo Sebteembar 14, 2024.

Xagaaga 2023, Metro waxay soo bandhigtay laba ikhtiyaar oo cusub oo fikirka rakaabka iyo shacabka ah.

  • Ikhtiyaarka A: Kordhinta tirada (inta jeer ee baska uu imanayo istaanka) ee dhabooyinka dib u eegid lagu sameeyay ee 10, 11, 12, iyo 49. Sida maanta oo kale, wax adeega ah kama jirin doono Summit Ave iyo Bellevue Ave, waqooyiga Olive Way.
  • Ikhtiyaarka B: In la kordhiyo Dhabada 3 safarkeeda si loo gaadhsiiyo adeega Bellevue Avenue iyo Summit Ave waqooyiga Olive Way. Basaska ayaa iman doona in ka yar dhabooyinka dib u eegid lagu sameeyay ee 10, 11, 12, iyo 49.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Wajiga Labada ee Metro ee la shaqaynta munaasabadaha iyo waxa aanu ogaanay, ka eeg Guudmarka La Shaqaynta Bulshada ee Wajiga Laba. Si aad uga ogaato wax badan Wajiga Kowaad ee wada shaqaynta, ka eeg Guudmarka La Shaqaynta Bulshada Wajiga Kowaad.

Isbedelka shabakada ee lagu taliyay

Metro waxya ku talinayaan in Ikhtiyaarka B loo wareejiyo shabakada ugu danbeeya ee rakaabka xaafada shacabku ku badan yihiin ee Summit (gaar akaan kuwa la kulma qabadaha dhaqaaqa) inay helaan adeega gaadiidka iyo isku xidhma cusub. Inta jeer ee jidka uu marayo iyo saacadaha uu shaqeynayo waxay ku yaalaan shabakadan lagu taliyay ee lagu maalgeliyay khayraadka cusub ee dheeraadka ah ee Metro si loogu shaqeeyo G Line, dib u maalgelinta khayraadka Metro ee wakhtigan ee dhabooyinka aaga mashruuca iyo in lasii wada maalgalinaya adeega baska Cabirka Gaadiidka Seattle. Metro waxa uu ku talinayaa isbedelka shabadkada ee ugu danbeeya ee soo socda ee Dhabooyinka 3, 10, 11, 12, 47, 49 iyo 60:

Adeegyada joogtada ah

Inta jeer ee uu marayo basku iyo saacadaha uu shaqeeyo ee aaga adeega la balaadhiyay ee cusub ee E Pine Street, E Pike Street, Bellevue Avenue E, iyo Summit Avenue E kaliya.

Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeennkii Habeennkii
Maalmaha shaqada 30 daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo
Sabtida 30 daqiiqo 30 daqiiqo
Axada 30 daqiiqo 30 daqiiqo
Isbedelada
  • Safarada Dhabada 3 la kordhiyay waxa uu ka bilaabmayaa Madrona oo wax auu gaadhayaa aaga adeegaSummit. Queen Anne waxay ka arki doontaa isbedelka heerarka adeega, laakiin safaradu waxay ku eeg yihiin Queen Anne oo hore u ahaan jiray safarada Dhabada 3 oo iminkana noqon doona safarada Dhabada 4.
  • Iyada oo laga duulayo fikirka bushada iyo qiimaynta taladan isbedelka waxa uu bixin doonaa adeega la gaadhsiiyo ilaa aagaga jidka foorara leh, iyo meelaha ay degan yihiin dad badan oo waayeel ahi iyo laxaad la' iyo shaqaalaha daruuriga ah.
Saacada adeega
  • Maalmaha shaqada: 5 subaxnimo ilaa 7:30 habeenimo
  • Sabtida: 6 subaxnimo ilaa 7 habeenimo
  • Axada: 6 subaxnimo ilaa 7 habeenimo
Adeegyada joogtada ah ee dhabo kasta
Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeennkii Habeennkii
Maalmaha shaqada 20 ilaa 30 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo 30 ilaa 60 daqiiqo
Sabtida 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo 30 ilaa 60 daqiiqo
Axada 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo 30 ilaa 60 daqiiqo
Isbedelada
  • Isbedelada dhabooyinka 10 iyo 12 ee u adeega E Pine Street iyo inta jeer ee basku maro maalaha qaar shaqo, Sabtida iyo Axada in mudooyinkooda la yareeyo.
  • Isbedeladu waxya u sahlayaan khayraad badan in lagu malageliyo halka loogu baahi badan yahay ee baahiyada macmiilku ugu badan tahay.
  • Dhabooyinka 10 iyo 12 waxay marka la isku geeyo hormarin doonaan adeega baska ee E Pine Street oo ay gaadhsiin doonaan 10 daqiiqo kasta maalintii maalmaha shaqada, oo waxa uu bixin doonaa adeega dhaama shacabka iyo goobaha mudnaanta badan leh ee dhabadan rakaabka badan. Shacabka dhabo kasta oo waqooyiga ah Pine Street oo leh rakaab yar, dalab macmiil oo yar iyo shacab yar oo shacabka mudnaanta la siiyo ah waxaa lagu arki doonaa hoos u dhac inta jeer ee basku marayo.
  • City of Seattle waxay u wareejisay maalgelinta Cabirka Gaadiidka Seattle dhabooyinka 10 iyo 12 dhabooyinka 49, 60 iyo 125 si si dhaanta loogu waafajiyo yoolashada magaalada.
Saacada adeega

Dhabada 10

  • Saacada adeega 5 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo
  • Sabtida: 6 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo
  • Axada: 6 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo

Dhabada 12

  • Saacada adeega 5:30 subaxnimo ilaa saqda dhexe
  • Sabtida: 6 subaxnimo ilaa saqda dhexe
  • Axada: 6 subaxnimo ilaa saqda dhexe
Adeegyada joogtada ah
Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeennkii Habeennkii
Maalmaha shaqada 20 ilaa 30 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo 20 ilaa 60 daqiiqo
Sabtida 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo 30 ilaa 60 daqiiqo
Axada 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo 30 ilaa 60 daqiiqo
Isbedelada
  • Isbedelka Dhabada 11 ee isku xidha istaanka Capitol Hill Tareenka fudud ee Link oo waxa uu yareeyaa inta jeer ee uu marayo saacada saxmada iyo mudada habeenkii ee maalmaha shaqada si loo waafajiyo socodka rakaanka oo loogu jawaabo fikirkii bulshada.
  • Isbedelkan bixinta ee lagu taliyay ee isku xidhka cusub ee ka bilaabta Dhabada 11 ilaa istaanka Capitol Hill Tareenka fudud ee Link ee bedelada adeega wakhtigan ee Dhabada 10 ee galbeedka15th Avenue E iyo si loo yareeyo adeega lagu celiya ee RapidRide G Line ee cusub.
  • Adeega baska inta jeer ee uu marayo ee uu isku xidho Istaanka Capitol Hill waxoogaa ayaa la yaraynayaa laga bilaabo maanta. Adeega dhabada 8 iyo 43 isma bedelayo.
  • City of Seattle waxay u wareejisaa qaybta kamid ah maalgelinta Cabirka Gaadiidka Seattle dhabooyinka 11 dhabooyinka 49, 60 iyo 125 si si dhaanta loogu waafajiyo yoolashada magaalada.
Saacada adeega
  • Saacada adeega 4:45 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo
  • Sabtida: 6 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo
  • Axada: 6 subaxnimo ilaa 1 subaxnimo
Isbedelada
  • Waxaa si rasmi ah looga saaray Dhabada 47, oo la joojiyay ilaa 2020.
  • Waxaa lagu bedeley Dhabada 47 oo la gaadhsiiyay ilaa Dhabada 3.
Adeegyada joogtada ah
Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeennkii Habeennkii
Maalmaha shaqada 20 ilaa 30 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo 20 ilaa 30 daqiiqo
Sabtida 20 ilaa 30 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo
Axada 20 ilaa 30 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo 30 daqiiqo
Isbedelada
  • Korodhka inta jeer ee basku marayo maalmaha shaqo habeenkii. Yaraynta inta jeer ee uu marayo maalmaha shaqada, iyo maamaha fasaxa saacadaha saxmada badan iyo mudada duhurkii.
  • Isbedelkan lagu taliyay waxa uu waafaqsan yahay qaabka rakaabku u socdaan oo waxa uu ka jawaabayaa dalabka rakaabka ee hormar in lagu sameeyo inta jeer ee uu habeenkii marayo.
  • Dhabadan waxaa qayb ahaan maalgelisay Cabirka Gaadiidka Seattle, oo maalintii leh adeeg 20 daqiiqo ah maalinka oo dhan iyo maalmaha fasaxa.
Saacada adeega
  • 24 saacadood maalinkii / 7 maalmood todobaadkii
Adeegyada joogtada ah
Maalinta Saacada Saxmada Isniin Habeennkii Habeennkii
Maalmaha shaqada 12 ilaa 30 daqiiqo 12daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo
Sabtida 15 ilaa 30 daqiiqo 15daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo
Axada 15 ilaa 30 daqiiqo 15daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo
Isbedelada
  • Korodhka inta jeer ee wakhtiga saxmada ee maalmaha shaqo, duhurkii iyo habeenkii iyo adeega maalmaha fasaxa.
  • Tani waxay hormar ku sameeyay maalgelinta laga heley Cabirka Gaadiidka Seattle.
Saacada adeega
  • Saacada adeega 4:15 subaxnimo ilaa 12:15 subaxnimo
  • Sabtida: 5:15 subaxnimo ilaa saqda dhexe
  • Axada: 5:15 subaxnimo ilaa saqda dhexe

Habka iyo jadwalka mashruuca

  • Wajiga Kowaad Dayrta 2023

    Fikirka la wadaagay ee loo uruuriyay qorshahan isbedelka dhabada baska.

    • Qorshayaasha adeega lala wadaagay shacabka iyo fikirka rakaabka.
    • Macluumaadka la siiyay shacabka mudnaanta ah iyada oo laga duulayo wada shaqayntan onleynka ah iyo foolka-foolka ah.
    • Macluumaadka waxaa lagu bixiyay websayt leh dhawr luuqadood, xog uruurin onleyn ah iyo waraaqo, oo waxaa kamid ah macaamil shakhsi ahaaneed.
    • Ka uruurinta fikirka dadka ka shaqeeya baska.
    • Macluumaadka ugu danbeeyay ee Golaha Deegaanka King iyo Golaha Degmada King waxa uu ku yaalaa qorshahayaasha lagu taliyay.
  • Wajiga Labaad Xagaaga 2023

    Fikirka la wadaagay ee loo uruuriyay xog ugu danbaysa ee qorshahan isbedelka dhabada baska.

    • Lala wadaagay qorshayaasha ugu danbeeya ee adeega shacabka iyo rakaanka oo la uruuriyay fikirka si si dheeraad ah loogu kala hudo isbedelada dhabada baska.
    • Sharaxa sida qorshayaasha adeega ay uga wareegeen Wajiga Kowaad ee la shaqaynta iyada oo la isticmaalayo fikirka shacabka, qiimaynta sinaanta iyo dadaalka miisaaniyada ay ku shaqayso Metro iyo Seattle.
    • Wacyi geli kasii socotay si onleyn ah iyo foolka-foolka ah oo macaamil ah.
    • Ka uruurinta fikirka dadka ka shaqeeya baska.
    • Macluumaadka ugu danbeeya ee xubnaha Golaha Magaalada Seattle iyo Golaha Degmada King ee ku saabsan qorshayaasha lagu taliyay.
    • Gunaanadka qiimaynta sinaanta.
  • Dayrka 2024

    Diyaarinta iyo soo afmeerida bilawga adeega.

    • Maamulka Degmada King ayaa usoo gudbinaya shabakada ugu danbeeya Golaha Degmada Kind si ay u dhaqan geliyaan.
    • Golaha Degmada King waxay eegi doontaa oo ay dhaqan gelin doontaa isbedelka ugu danbeeya.
    • Qorshaha waxbarashada bulshada iyo dhaqan gelinta isbelada.
    • Diyaarinta iyo soo afmeerida isbedelka adeega Agoosto 2024.

Aaga Mashruuca Madison Street

Metro Degmada King iyo Waaxda Gaadiidka Seattle (Seattle Department of Transportation, SDOT) waxay kala shaqayeen dadaalka qorshaynta, wacyi gelinta, iyo la shaqaynta ee aaga Seattle ee Madison Street. Waxaa kamid ah qorshaynta maalgelimaha wakhtiga iyo mustaqbalka ee adeega gaadiidka ee lagu ansixiyay codaynta Cabirka Gaadiidka Seattle (Seattle Transit Measure, STM) oo ay maalgelisay adeega hormarinta tareenka oo laga heley magaalada.

Si aad macluumaad badan uga ogaato dhismaha RapidRide G Line – MashruucaMadison Street, booqo websaytka SDOT.

Waa maxay sababta Metro ay u bedeleyso adeega baska ee aagan?

RapidRide G Line ee cusub waxa uu doonayaa inuu keeno adeeg joogto ah oo lagu kalsoon yahay oo qabanaya aaga Madison Street dayrta 2024, Metro waxay cusboonaysiinayaan dhabooyinka baska ee xaafada si markaa ay u si dhaanta ugu xidhi karaan gaadiidka shacabka iyo si aad u qabato meesha aad qabanayso. Yoolkan mashruucan waxaa kamid ah:

  • Hormarka socodka ee mudnaanta shacabka — dadka Madaw, Dhaladka iyo Midabka ah (Black, Indigenous, and People of Color, BIPOC), oo sabool ah, soo galayti ah, qaxooti ah, dadka Ingiriisoogu xadidan yahay iyo dad laxaad la'.
  • Si sinaan ah in loogu sheego, loola shaqeeyo oo loo awood siiyo bulshooyinka iyo cida loo shaqeeyo ee waawayn.
  • Bedelka adeega baska si loo taageeroRapidRide G Line ee cusub.
  • Bedelka adeega baska si si dhaanta loogu buuxiyo baahiyaha rakaabka iyo bulshada.

Sidee ayay Metro u gaadhaa go'aanka ku saabsan adeega baska?

2023, Metro waxay uruurinayaan fikirka iyaga oo adeegsanaya laba weji oo lagula hadlayo rakaabka iyo xxubnaha bulshada wixii ku saabsan isbedelka lagu samayn karo dhabooyinka 3, 10, 11, 12, 47, 49 iyo 60. Metro waxay u isticmaalaan fikirka rakaabka iyo bulshada marka la isku dayo si siman loogu naqdiyo, iyo nashqada adeega ee nidaamka wanaagsan si loogu sheego isbedelka shabakada baska. Metro Sidoo kale waxya si dhaw ula shaqeeyaan hay'adaha deegaanka ay ka wada shaqeeyaan oo waxaa kamid ah Waaxda Gadiidka Seattle oo kormeerta maalgalinta laga heley Cabirka Gaadiidka Seattle (STM) ee loo codeeyay.

Golaha Deegaanka King waxay eegi doonaan oo ay ansixin doonaa isbedelka adeega ee ugu danbeeya, kadibna u gudbin doonaan Maamulka Degmada King.

Barnaamijkaan ama mashruucaan waxaa lagu taageeray maalgelin ka timaada Sharciga Ballanqaadka Cimilada (Climate Commitment Act) ee Washington.

Booqo climate.wa.gov
expand_less