Skip to main content

Sunta soo saarta Shiga, bakteeriyada E. coli O157:H7; Caabuqyo ku dhaca Carruurta, Dhalinyarada, iyo Dadka waaweyn ee Bulshooyinka Bariga Afrika ee Degmada King – Isha Xigashada Aan La Ogeyn

Il-marin dhaqso leh
Kiisaska la xaqiijiyey 8
Kiisaska suurtogalka ah 0
Kala duwanaanshaha da'da 11 bilood ilaa 35 jir (5 kiis oo laga soo sheegay dadka da'doodu ka yar tahay 15 sano)
Qiyaasta taariikhda la soo sheegay Diseembar 31, 2021 - Ogosto 18, 2022
Dadka isbitaalada la dhigay 6

La Cusbooneysiiyay Diseembar 5, 2022


Khulaasada (kooban)

Caafimaadka Dadweynuhu wuxuu baarayaa dillaac sideed qof oo qaba nooca soo-saarta sunta Shiga ee [E. coli] (sidoo kale loo yaqaan [STEC]) gudaha King County. Dhammaan kiisaska hal kiis ayaa la soo sheegay ilaa Juun 26, 2022. Illaa hadda dhammaan kiisaska waxaa laga helay dad ka soo jeeda bulshooyinka Bariga Afrika.

Inta badan dadka xanuunsan ayaa sheegay in ay cuneen noocyo kala duwan oo hilbo ah, oo ay ku jiraan ariga iyo hilibka lo'da, inta lagu guda jiray xilliga ay is-qaadsiiyeen. Kiisaska la xaqiijiyay ayaa lala xiriiriyay natiijooyinka faraha hidde-sidaha (dhammaan taxanayaasha genome-ga [(WGS)]) kuwaas oo tilmaamaya inay leeyihiin hal nooc oo hidde-side ah, taasoo la micno ah inay u badan tahay inay hal meel ka qaadeen caabuqa.

Xanuunada

Dadka oo dhami waxay muujiyeen calaamado lagu yaqaan [STEC], oo ay ku jiraan shuban (badanaa dhiig wata), calool xanuun, lallabbo, iyo matag. Dhammaan kiisaska mid ka mid ah mooyaane waxay lahaayeen jirro bilaabatay Juun 20-Agoosto 17, 2022. Hal qof oo dheeraad ah ayaa lagu aqoonsaday [WGS] kaas oo bilawday Diseembar 2021. Saddex carruur ah ayaa yeeshay nooc ka mid ah dhibaatooyinka kelyaha ee loo yaqaan 'hemolytic uremic syndrome' [(HUS) ]. Dadka oo dhami way kasoo buskoodeen.

Waxqabadka Caafimaadka Dadweynaha (Public Health Action)

Caafimaadka Dadweynuhu wuxuu sameeyay wareysiyo lala yeeshay dadka qaba STEC ama waalidkood/wakiilladooda si loo ogaado wixii cudur-qaadis ah oo guud iyo in la siiyo hagitaan looga hortago faafitaan dheeraad ah. Waxaan la shaqeynay Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington si aan u dhameystirno baaritaanno dheeri ah, si loo ogaado kiisaska la xiriira ee deegaannada kale, iyo la bilaabo raadraaca alaabta la wadaago Waxaan sidoo kale si dhow ula shaqeyneynaa la-hawlgalayaasha bulshada si aan u wadaagno macluumaadka iyo hagitaanka ku saabsan cudurkaan dillaacay iyo sida looga hortago infekshanno sii bata.

Baadhitaanka isha caabuqyadaan waa dhameystiran yahay. Iyada oo qayb ka ah baaritaannada, shaqaalaha Caafimaadka Dadweynuhu waxay kormeero badan ku sameeyeen xarumo badan oo cunto oo dadka uu ku dhacay [STEC] ay xuseen inay cunto ka soo iibsadeen maalmihii ka horreeyay caabuqa. Intii lagu guda jiray booqashooyinkaan, shaqaalaha Caafimaadka Dadweynuhu waxay bixiyeen waxbarasho ku saabsan ka hortagga faafitaanka [E. coli] iyago maamulka faray in si buuxda loo nadiifiyo oo laguna sameeyo jeermis-dilis meelaha cuntada lagu diyaariyo.

Fariinta Caafimaadka Dadweynaha

Hilibka ceeriinkaa sida hilibka lo'da, riyaha, iyo wananka mararka qaarkood waxay leeyihiin jeermis sida STEC, waxaana lala xiriiriyay cudurro dillaacay waqti hore. Raac afartaan tillaabo ee badbaadada cuntada si aad uga hortagto qaadista STEC.

  • Nadiifi: Dhaq gacmahaaga, weelashaada, iyo sagxadahaaga marar badan. Biyo socda ku biyo-raaci miraha iyo khudaarta ka hor intaadan cunin, jar-jarin, ama diirin.
  • Kala saar: Ka ilaali oo ka sooc cuntada aan la karin doonin hilibka ceeriinkaa, hilib-digaaga, iyo cuntada badda.
  • Kari: Isticmaal heerkulbeeg cunto si aad u hubiso inaad cuntadaada ku karisay heerkul sarreeya oo dili kara jeermiska.
  • Qabooji: qaboojiyaha geli cuntada ku hallowda (cuntada ku xumaata) 2 saacadood gudahood. Haddii cuntadu ay soo gaadho heer kul ka sarreeya 90°F (sida gaari kulul ama bannaanka), qaboojiyaha geli 1 saac gudihiis. Cuntada qaboojiyaha ku baraf-bixi, ha dul saarin miiska.

Haddii adiga ama ilmahaagu ay yeeshaan shuban xanuun badan ama dhiig leh, shuban socda in ka badan 3 maalmood ama ay la socoto qandho sare ama kaadidu oo yaraato, la xiriir adeeg-bixiyaha daryeel-caafimaadkaaga si aad u aragto haddii baaritaanka STEC loo baahanyahay.

Waxaan rabnaa in aan hubinno in xanuunkaan uusan ku faafin dadka halista ugu jira infekshannada daran ama nafta halis gelinaya. Carruurta leh calaamadaha waa in aysan tegin xannaanada carruurta ama dugsiga barbaarinta. Kuwa kale oo buka waa in aysan u shaqo tegin meelaha adeegga cuntada, daryeelka caafimaadka, ama xannaanada arruurta. Caafimaadka Dadweynaha ayaa kaa caawin doona inaad sameyso baaritaanno dheeraad ah si loo hubiyo inaadan dadka kale qaadsiin ka hor inta aanad ku laaban shaqada, xanaanada caruurta ama dugsiga barbaarinta.

Baaritaannada Sheybaarka

Dhammaan kiisaska waxay leeyihiin baaritaan xaqiijin ah oo muujinaya caabuqyo wata [E. coli O157:H7] oo lagu baaro sambal-dhigis. Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay waxay leeyihiin nooc la mid ah [STEC], marka la eego sawir-qaadista hidde-sideyaasha (whole genome sequencing [WGS]) ee Shaybaarka Caafimaadka Dadweynaha ee Gobolka Washington.

expand_less