Skip to main content

Mashruuca Dib u naqshadeynta White Center Ponds

Gacan ka geyso naqshadeynta White Center Ponds si loo abuuro goob ammaan u ah qof kasta si loogu raaxeysto bannaanka.

Noo sheeg fikradahaaga!

Kooxdayada naqshad dejinta ayaa ka qayb galaysa kulamada iyo dhacdooyinka bulshada ee guud ahaan White Center. Ma leedahay kulan aad jeclaan lahayd in aan u nimaadno? Fadlan nagu marti qaad!

Hadafka Naqshad Dejinta:

  • Abuurista meel qof kasta oo ka tirsan bulshadu ku raaxeysan karo oo uu ammaan ku dareemi karo.
  • Wanaajinta badbaadada iyo xoojinta gelitaanka dadka jidka lugaynaya.
  • Kordhinta fursadaha madadaalo iyo helitaanka meel cagaaran.

Fursadaha aad nagu soo ogeysiin karto waxaad ka fikirayso:

White Center Ponds from Southwest Roxbury looking south.

White Center Ponds oo ka soo jeeda Southwest Roxbury Street una jeeda Koonfurta.

Guudmarka

Hadafka laga leeyahay mashruucani waa in dib loo naqshadeeyo White Center Ponds si ay u noqoto meel ay xubnaha ka tirsan bulshadu rabaan in ay tagaan oo qof walba ku dareemo ammaan. Mashruucu wuxuu sidoo kale:

  • Kordhin doonaa baaxadda balliyada si ay u hayn karaan biyaha roobka oo badan oo ay u qoyanaadaan sanadka oo dhan,
  • Wanaajin doonaa tayada biyaha ee biyaha roobka ee ka baxaya goobta,
  • Hoos u dhigi doonaa fatahaada xaafada,
  • Wanaajin doonaa ammaanka iyo adeegyada dadweynaha ka tirsan degaankani dabiiciga ah.

Waxaan ku tiirsanahay talooyinka laga helo adiga iyo deriskaaga si aad noogu sheegtaan waxa aad is leedihiin in uu yahay habka ugu wanaagsan ee tan loo sameeyo. Isku diiwaangeli si aad wax uga maqasho fursadaha talooyinka dadweynaha ee mashruucani.

Goobta

White Center Ponds are located just east of downtown White Center and immediately west of Greenbridge. The site stretches from Southwest Roxbury Street to Southwest 100th Street and between 11th and 12th Avenue Southwest.

White Center Ponds waxay ku yaalaan bariga faras magaalaha ee White Center waxayna isla markiiba galbeedka kaga beegan yihiin Greenbridge. Goobtani waxay ku fidsan tahay oo ka bilaabataa Southwest Roxbury Street ilaa Southwest 100th Street iyo inta u dhaxaysa 11th iyo 12th Avenue Southwest

Taariikhda

White Center Ponds waa dhul qoyan iyo xarunta balliga biyaha roobka loogu talagalay in lagu ururiyo oo lagu nadiifiyo biyaha roobka. Iyada oo la ururinayo biyaha ka dib marka ay ka soo baxaan waddooyinka iyo laamiyada, wasakhdu waxay haysataa waqti ay ku dagto gunta hoose ee balliga halkaasi oo ay ka saari karaan shaqaalaha dayactirku. Dhirta ka baxaysa meelaha u dhow balliyadu waxay soo jiidataa wasakhda nafaqooyinka xad-dhaafka ah ee galaya xididadooda. Dhirta ka baxda biyuhu waxay sidoo kale dabtaa/xannibtaa waxyaabaha dhegdheg leh sida saliida iyo dufanka waxayna ka hortagtaa in ay soo raacdo durdurka hoose. Biyahan nadiifta ahi ka dib waxay ku shubmaan Mallard Lake iyo Hicklin Lake oo dhex ku yaala Dick Thurnau Park ka hor inta aysan aadin/u socon Salmon Creek ] ee aysan u bixin Puget Sound.

Maxay tahay dhibaatadu?

White Center waxay noqonaysa mid aad u horumarsan. Marka jidadka, waddooyinka lagu lugeeyo ama dhismayaasha oo dheeraad ah lagu daro taasi waxay ka dhigan tahay ciidda iyo dhirta oo intii hore ka yar oo la heli karo si u nuugaan biyaha. Biyaha roobka ayaa taasi beddelkeeda u qulqula waddooyinka iyo waddooyinka lagu lugeeyo iyada oo roobku ku shubmo balliyada biyaha roobka. Biyaha roobka oo badani waxay ka fatihi karaan jidadka xaafada waxayna horseedi karaan durdurro iiyo harooyin wasakheysan.

Tayada biyiaha ee durdurka hoose ee ku yaala Hicklin Lake (Lake Hicks) ayaa ahaa kuwo liito sanado badan. Algae sunta ah ee soo baxaya ayaa keenay xiritaanka harooyinka oo soo noqnoqda iyada oo harada ay soo gaareen phosphorus iyo bakteeriyada isku urursan oo heerkoodu sarreeyo (fecal coliform). Inkasta oo daaweynta biyaha oo hore ee lagu daaweeyay maadada alum oo laga gaaray waxoogaa guul ah, wasakhda isku urursan ee heerkoodu sarreeyo ayaa sii socota in ay dhibaato ahaato. Tani waxay ka dhigan tahay in aysan badiyaa ahayn mid ammaan ah in lagu dabaasho, ay khatar ku tahay xayawaanka la korsado, lagamana helayo degaan tayo leh oo u wanaagsan shimbiraha ama xayawaanka kale.

White Center Ponds waa degaan dabiici ah oo dadweyne laakiin dad badan ayaa iska ilaaliya goobta iyada oo sababtu tahay walwalka dhanka ammaanka ah. Goobtu aad ayay mugdi u tahay habeenkii. Dhirta isku cufan ayay adag yahay in wax laga dhex arko waxayna xijaab u noqotaa xerada teendhada leh ‘camping’ gaar ahaan marka ay balliyadu qalalan yihiin xagaaga. Xafiiska Mas’uulka ee Degaanka King ayaa inta badan loogu wacaa degaanka u ku yaala ama u dhow balliyada iyada ay sababtu yahay hawlo sharci darro ah.

Trail along west side of White Center Ponds.

Dariiqa dhanka galbeed ee White Center Ponds.

Maxaa isbeddel ah oo ku dhici doona dib u qorsheynta?

Balliyada dib loo naqshadeeyay waxaa ku jiri doona biyo sanadka oo dhan waxaana sahlanaan doonto in wax laga dhex arko. Kooxda mashruuca ayaa ka fikiraysa in ay ku darto nalal si markaa goobta la dareemo ammaan xiliga habeenkii waxayna sidoo kale ku daraysaa qaabab lagu dhiirigelinayo isticmaalka badan ee bulshada. Ma haysaa wax fikrado ah oo aan ku wanaajin karno degaanka u dhow balliyada?

  • Maxay kugu qaadan doontaa in aad ammaan ku dareento White Center Ponds?
  • Maxaan ku dari karnaa ama ka beddeli karnaa ee kaa ka dhigi kara in aad ku faraxdo aadista White Center Ponds?
  • Miyuu jiraa wax ku saabsan White Center Ponds hadda jira oo aad rabto in uu sidii hore ahaado?

Mashruuca dib u naqshadeynta wuxuu balliyada ka dhigi doonaa kuwo waaweyn kuwaasi oo saamixi doona in lagu keydayo biyo badan. Natiijadu waxay noqon doontaa fatahaada xaafada oo intii hore ka yar inta lagu jiro roobkii weyn ee da’a. Balliyada waaweyn sidoo kale waxay biyaha roobka u oggolaadaan waqti dheeraad ah oo ay ku degaan balliyada. Tani waxay gacan ka geysan doontaa in meesha laga saaro wasakhda oo biyaha loo oggoloodo in ay nuugaan dhirta. Biyahan nadiifta ahi waxay ku shubmaan Hicklin Lake, Salmon Creek iyo Puget Sound.

Qodista balliyada si looga dhigo kuwo waaweyn waxay ka dhignaan doontaa in qaar ka mid ah dhirta yar yar ‘shrubs’ ee hadda jirta iyo geeduhuba waxay u baahnaan doonaan in meesha laga saaro. Naqshada cusub ayaa mudnaanta siin doonta in sidooda loo dhaafo geedaha waaweyn ee hadda jira markasta oo ay suurtagal tahay. Qaarka mid ah geedaha waaweyn ayaa la ilaalin doonaa jasiiradaha korkooda ee ku yaala bartamaha balliyada. Waxay u ekaan doonaan sida balliyada dib loo naqshadeeyay ee ku yaala koonfurta mashruucan inta u dhaxaysa jidadka Southwest 100th iyo Southwest 102nd. Dhirta dhulka loogu yimid ayaa la taagi doonaa dhismaha si ay degaan u siiso cayayaanka, shimbiraha iyo xayawaanka kale.

Open space on the north end of the site, looking northeast from 12th Avenue Southwest.

Meel bannaan oo ku taala dhammaadka waqooyi ee goobta, oo waqooyi-bari ka soo eegaysa 12th Avenue Southwest.

Wakhtiga loo qabtay mashruuca

Horumarka La Gaaray Taariikhda
Daraasadda Macquulnimada ayaa la dhammeystiray  Diisambar 2020
Isku soo ururinta talooyinka bulshada  Ilaa Maajo 2022
Nidaamka dib u eegista deegaanka oo dhammeystiran (SEPA)  Dabayaaqada 2022
Dhammeystirka wejiga naqshad dejinta  Horraanta 2024
 Hiigsiga dhismaha  Xagaaga 2024

Su’aalaha ama faallooyinka

La xiriir Marta Olson, Maamulaha Mashruuca

206-263-3653

Caawimaad Luqaddeed

English

Interpretation and translation services are available to you at no cost. If you need them, please contact us at molson@kingcounty.gov or 206-263-3653.

Spanish: Español

Hay servicios de interpretación y traducción a su disposición sin costo alguno. Si los necesita, póngase en contacto con nosotros mandando un correo electrónico a molson@kingcounty.gov o llamando a 206-263-3653.

Vietnamese: Tiếng Việt

Các dịch vụ thông dịch và biên dịch được cung cấp cho quý vị hoàn toàn miễn phí. Nếu quý vị cần những dịch vụ này, vui lòng liên lạc với chúng tôi theo địa chỉ molson@kingcounty.gov hoặc số điện thoại 206-263-3653.

Somali: Af Soomaali

Adeegyada fasiraadda iyo turjumidda adiga ayaa diyaar kuu ah oo lacag la'aan ah. Haddii aad u baahan tahay, fadlan nagala soo xiriir molson@kingcounty.gov ama 206-263-3653.

Khmer: ភាសាខ្មែរ

សេវាកម្មបកប្រែផ្ទាល់មាត់ និងបកប្រែឯកសារមានផ្ដល់ជូនអ្នកដោយឥតគិតថ្លៃ។ ប្រសិនបើអ្នកត្រូវការសេវាកម្មទាំងនេះ សូមទាក់ទងយើងតាមលេខ molson@kingcounty.gov206-263-3653.

Amharic: አማርኛ

የአስተርጓሚ እና የትርጓሜ አገልግሎቶችን ያለ ምንም ክፍያ በነጻ መግኘት ይችላሉ። ከፈለጓቸው ፣ እባክዎን በ molson@kingcounty.gov ወይም በ 206-263-3653

Tigrinya: ትግርኛ

የአስተርጓሚ እና የትርጓሜ አገልግሎቶችን ያለ ምንም ክፍያ በነጻ መግኘት ይችላሉ። ከፈለጓቸው ፣ እባክዎን በ molson@kingcounty.gov ወይም በ 206-263-3653

Traditional Chinese: 繁體中文

我們可以免費為您提供口譯和書面翻譯服務。如有需要,請於2023 年 5 月 31 日前電郵至 molson@kingcounty.gov  或致電 206-263-3653.

Dokumentiyada mashruuca

  • Waxaa la soo dhejin doonaa inta lagu jiro nidaamka dib u eegista deegaanka (SEPA)

Related Topics

expand_less