Skip to main content

Macluumaadka Qashinka Halista ah iyo Adeegyada

Haddii aad ku nooshahay ama ka shaqeysid Deegaanka King, waxaan bixinaa iqtiyaarada qashin tuurista ku fillan qashinka halista iyo illaha kugu caawinayo ka illaalinta adiga iyo deegaanka kiimakooyinka halista ah.

Inaga Nagu saabsan

Barnaamijka Maareynta Qashinka Halista ah wuxuu illaaliyaa oo xoojiyaa caafimaadka bulshada iyo tayada deegaanka ee Deegaanka King iyada oo la yareynayo halista lagu soo rogay soo saarida, isticmaalka, keydka, iyo tuurista walxaha halista ah. Waxaan nahay jaal goboleed oo u adeego dhammaan Deegaanka King oo ay ku jiraan Magaalada Seattle, 37 magaalooyin kale, labo qabiil, iyo aaggaga aan lagu darin magaalooyinka ee weli Deegaanka hoos-imaada.

Badeecooyinka Halista Caadiga ah

Aanan la isticmaalin, hore, ama badeecada halista aan loo baahneyn waxay noqon kartaa halis la keydinayo. Waxay sidoo kale waxyeeleyn karaan dadka iyo deegaanka haddii lagu tuuro qashinka ama lagu shubo hoosta marinka. Waad aqoonsan kartaa badeecada halista ah adiga oo aqrinayo qoraalada badeecada. Badeecooyinka halista waxay leeyihiin qoraalo  oo wataan erayada danger (khatar), poison (sun), warning (digniin), ama caution (feejignaan).

3 Tallaabo oo qashin qub badbaado ah

  • Usu keen sheeyada

    Haddii qoraalka uu ku jiro ereyada danger (khatar), poison (sun), warning (digniin), ama caution (feejignaan), waa qashinka halista ah.

    FIIRI LIISKAAN SHEEYADA AAN OGOLAANO. [link what to bring flyer]

  • Diyaarinta qashinka

    Ku hay sheeyada weelkooda asalka ah, summad ku samee alaabta aan la calaamadin, oo adkee sheeyada markaas dhinac uma liicaan ama ma liigaan. Ku kaydi alaabta meel ka fog qaybta rakaabka ka fuulo baabuurkaaga.
  • Keenista

    Keen sheeyadaada xarunta tuurista. Ma jiro kharash, maadaama adeegga hadda ka hor lagu maalgeliyay biilkaaga nalka iyo biyaha.

Soo hel meel qashinka lagu qubo oo adiga kuu dhow

Location Address Hours
North Seattle
 

12550 Stone Avenue North, Seattle, WA 98133

Axad - Talaado
9:00 subaxnimo - 5:00 galabnimo.

Way xirantahay Luuliyo 4, Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

South Seattle

8100 2nd Avenue South, Seattle, WA 98108

Khamiista - Sabti
9:00 subaxnimo – 5:00 galabnimo

Waxay ku taalaa meesha u dhow boosteejada tareenka.

Way xirantahay Luuliyo 4, Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

Factoria

13800 Southeast 32nd Street, Bellevue, WA 98005

Talaado - Jamce, Sabti iyo Axad

8 subaxnimo – 4 galabnimo (Tallaadada-Jimcaha), 9 subaxnimo – 5 galabnimo (Sabtida-Axada)

Xarunta warshada waxay ku taalaa saldhiga wareejinta. Way xirantahay Luuliyo , Maalinta Mahadcelinta, Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sannadka Cusub.

Auburn

1101 Outlet Collection Way, Auburn, WA 98001

Sabti - Axad
10 subaxnimo - 5 galabnimo.

Goobta Auburn Wastemobile waxay furantahay dhammaadyada isbuuca, wareega-sannadka. Baaruudaha lagama ogolaanayo goobtaan.
Goobtaan wey xirantahay Nofeembar 30, Diseembar 1 iyo Diseembar 28-29. 

Wastemobile – Adeegga Aruurinta Qashinka Khatarta ah ee Wareega

Adeegaan aruurinta bilaashka ah wuxuu ku safraa bulshooyinka Deegaanka King ee la xushay iyo waxay siisaa dagayaasha iyo ganacsiyada yar meel ku haboon ee ay geeyaan qashinkooda halista ah.

SOO HEL MARKA WASTEMOBILE, ADEEGYADEENA TUURIDA QASHINKA QOYSKA KHATARTA AH EE SAFRAYO BOOQATO BULSHO KUU DHOW ADIGA.   [link WMB schedule]

Barnaamijka Aruurinta Guriga

Miyaad tahay 65 sano ma jir mise ma ka weyn tahay, ama qof naafo ah? Haddii aadan laheyn gaari iyo haddii kale aysan kuu suurtogaleyn inaad gashid aaga aruurinta qashinka halista ah, waxaad noo soo wici kartaa inaad balansatid qaadista qashinka ee gurigaaga. Barnaamijka Aruurinta ee Guriga hadda ka hor waxaa lagu maalgeliyay biilkaaga nalka iyo biyaha, laguguma soo dalaci doono kharash marka alaabta la qaado.

Maku leedahay ganacsiyo Deegaanka King?

Sida ganacsi, waa masuuliyadaada in la maareeyo walxaha halista ah si markaas aysan u waxyeelin shaqaalahaaga, bulshada, ama deegaanka. Waxaanu ka caawin karnaa ganacsiyada u qalma inay ku daadiyaan qashinkooda khatarta ah bilaash. Waxaanu sidoo kale bixinaa adeegyada la tashiga goobta ah, tallooyinka lagu habboonaysiiyay, iyo lacag dib u celinta loogu talo galay horumarka. Dhammaan adeegyadan hadda ka hor waxa lagu maalgeliyay dhexda biilka adeega nalka iyo biyaha.

Ka hel khayraad dheeri ah halkaan.

expand_less