Skip to main content

Hadal si aad ugu qareento

Wax badan ka ogaw sida qareenada Amarka Ilaalinta ay u siiyaan caawimaad lacag la'aan ah shakhsiyaadka doonaya amarka ilaalinta rabshadaha qoyska. Hagahayaga Amarka ilaalinta ayaa ka jawaabi karaan su'aalaha aasaasiga ah ee la xiriira dhammaan Amarada Ilaalinta Madaniga ah.

This page has been translated by a human translator. Use these links to view the content in these languages:

Hagayaasha Amarka Ilaalinta

Hagahayaga Amarka ilaalinta waxaa loo tababaray inay ka jawaabaan su'aalaha aasaasiga ah iyo ka caawinta:

  • Habraaca Amarka Ilaalinta Madaniga ah
  • Websaytkayga khadka tooska ah Amarka Ilaalinta, halkaas oo aad uga buuxin karto foomamkaaga onlaynka
  • Kheyraadka bulshada ee laga yaabo inay ku caawiyaan
  • Qiimee u qalmitaankaaga inaad la kulanto mid ka mid ah Qareenadayada Amarka Ilaalinta Rabshadaha Qoyska
  • Bixi tilmaamo aasaasi ah oo ku saabsan habraacyada xereynta
  • Samee tixraacyo ku haboon ee kheyraadka bulshada

Qareenada Amarka Ilaalinta

Qareenada Amarka Ilaalinta Rabshadaha Qoyska waxay bixiyaan caawimo fool ka fool ah. Wakhtigan la joogo, baaxada shaqo awgeed, qareenadayadu waxay awoodaan inay caawiyaan kaliya shakhsiyaadka raadinaya amarka ka ilaalinaya lamaanaha hada ay wada nool yihiin ama lamaane hore ama waalidiinta soo buuxiya iyagoo matalaya caruurtooda.

Qareenada Amarka Ilaalinta waxay:

  • Kuu sharaxayaan oo kaga jawaabayaan su'aalaha ku saabsan habraaca amarka ilaalinta madaniga ah
  • Ka caawinayaan go'aaminta amarka ilaalinta madaniga ah ee sida ugu wanaagsan wax uga qabanaya dhibaatada ku haysata
  • Ku siinayaan macluumaad ku saabsan rabshadaha qoyska, xadgudubka galmada, iyo dabeecadaha daba-galka ah sharci darada ah iyo qeexitaanada sharciga ah
  • Kaa caawinayaan inaad buuxiso foomamka amarkagaa ilaalinta
  • Ku diyaarinayaan dhagaysiga maxkamadeed ee amarkaaga ilaalinta
  • Baaraan ikhtiyaarada lagu heli karo amarka ilaalinta
  • Ku siinayaan taageero shucuur ahaaneed mudada habraaca socdo
  • Kaa caawinayaan inaad samaysato qorsho badqab ahaaneed
  • Xaliyaan dhibaatooyinka waxayna ka jawaaban su'aalaha aad qabto ee ku saabsan amarka
  • Kaa caawinayaan inaad aqoonsato halista
  • Kugu xiriirinayaan bulshada ee rabshada qoyska iyo adeegyada bulsho ahaaneed

Sida na loola soo xiriiro

Qareenada waxay kala shaqeeyaan dacwoodayaasha taleefan, iimayl ama Zoom, iyo qof ahaan, iyo balan. Caawimaada imaanshaha balan la'aan qaarkood ayaa la heli karaa laakiin waxay ku xiran tahay shaqada inta ay dhan tahay

Goobta Kent

Goobta Seattle

expand_less