Guudmarka Xafiiska Karaaniga ee Maxkamada Sare
Waaxda Maamulka Garsoorka ee Degmada King County (DJA), oo loo yaqaan Xafiiska Karaaniga Maxkamada Sare, waxay u adeegtaa sidii diiwaan hayaha iyo adeeg-bixiyaha macaamiisha ee Maxkamadda Sare ee Degmada King.
Xafiiska karraaniga ayaa mas'uul ka ah ilaalinta iyo maaraynta helitaanka xogta rasmiga ah ee dacwadaha maxkamadda sare, oo dib u dhacaya ilaa 1854kii. Diiwaanada kiisku waa, marka laga reebo waxyaabaha qaar, diiwaanada dadweynaha waxayna diyaar u yihiin inay dadweynaha arki karaan. Diiwaanada kaliya ee aan dadweynaha arki karin waa kuwa ay maxkamaddu ku shaabadeeysey inaan la arki karin, kuwaas oo uu ilaaliyo qaanuunka maxkamada ama sharciga.
Xafiiska karraaniga wuxuu sidoo kale maamulaa rasiidyada, lacag-bixinta iyo xisaabinta dhammaan khidmadaha, ganaaxyada iyo lacagaha lagu bixiyo kiisaska maxkamadda sare. Waxaa sidoo kale ku jira lacag-bixinada ay maxkamadu amartay in lagu bixiyo kiisaska dambiilayaasha iyo kuwa dhallinta ee ay soo aruurisay barnaamijka Ururinta Waajibaadka Maaliyadeed ee Karraaniga.
Barnaamijyada kale ee gaarka ah ee Xafiiska Karraaniga ah ee adeeg bixinta waa: ka caawinta dadweynaha iyada oo la adeegsanayo Amarka Ilaalinta ee Xafiiska Karraaniga; Bixinta kaydinta sugan ee dardaaranka iyada oo la isticmaalayo Kaydka Dardaaranka; Fududeynta helitaanka onlaynka ah iyo qof ahaaneed ee diiwaanada maxkamadda iyo codsiyada nuqullada dukumeentiyada; iyo u suurtagelinta gudbinta elegtarooniga ah iyo soo gudbinta nuqullada shaqooyinka garsoor oo elektaroonig ahaan ah. Intaa waxaa dheer, karraaniga ayaa looga baahan yahay inuu joogo dhageysi kasta oo Maxkamadda Sare ka dhacaya.
Shaqaalaha karraaniga waxay maamulaan barnaamijyada qaran ahaan la aqoonsan yahay: Maxkamadda Weecinta Maandooriyaha Dadka Waaweyn, barnaamij xukminta hore oo bixiya kormeer habaysan oo maxkamadeed iyo marin u helidda adeegyada shakhsiyaadka u qalma ee lagu soo oogay dembiyo culus oo la xiriira isticmaalka mukhaadaraadka hoose; iyo nidaamka Qoraalka ee KC, hab tignoolajiyadeed oo bixiya dukumeentiga elektarooniga ah, maaraynta, kaydinta, soo celinta iyo daawashada xalalka maxkamada, shaqaalaha xafiiska karraaniga, dadweynaha, iyo sharciga, wakaaladaha badbaadada iyo cadaalada.
Laamaha Xafiiska Karaanniga:
King County Courthouse
516 Third Avenue, Rm E-609
Seattle, WA 98104
Maleng Regional Justice Center
401 Fourth Avenue N, Rm 2C
Kent, WA 98032
Clark Children & Family Justice Center
1211 East Alder, Rm 3015
Seattle, WA 98122
Saacadaha Shaqada ee Xafiiska Karaanniga: Isniin – Jimco 9:00 am -12:15 pm iyo 1:15 pm – 4:30 pm (adeegyo xaddidan 12:15 – 1:15 pm), marka laga reebo fasaxyada sharciga ah: kingcounty.gov/en/dept/dja/courts-jails-legal-system/court-calendars-locations-operations/locations-hours
Adeegga Macmiisha ee Karaaniga: Shaqaaluhu waxay diyaar u yihiin inay macaamiisha ku caawiyaan xafiis kasta, telefoon (206-296-9300) ama iimayl ahaan: DJA.CustomerServiceEmail@KingCounty.gov. Wixii su'aalo ah ee ku saabsan codsiyada elektarooniga ah ee Karaaniga la xiriir Qeybta Caawimaada ee eServices:
206-477-3000 ama eServices@kingcounty.gov .
Raadinta Lambarka Kiiska: Haddii lambarka kiiska aan la aqoon, Bogga Helitaanka Diiwaanada Karaanniga (Bogga halkaan lifaaqan lama turjumin.) wuxuu bixiyaa lambarka kiiska onlaynka ah iyo raadinta qofka.
Foomamka Maxkamada: Foomamka iyo dukumeentiyada waxaa laga heli karaa khadka: kingcounty.gov/en/dept/dja/courts-jails-legal-system/court-forms-document-filing/forms. (bogga halkaan ku lifaaqan lama turjumin.)
Jadwalka Lacagta: Khidmadaha xafiiska karraaniga waxaa waajibiyay sharciga ama xeer maxkamadeed waana in si hormaris ah loo bixiyaa. Si aad wax uga ogaato ka dhaafitaanka ama ka dhimista kharashyada, booqo: www.kingcounty.gov/courts/clerk/fees.
Fayl Keydinta Khadka ah (bogag halkaan ku lifaaqan lama turjumin.): Fayl keydinta elegtarooniga ah ee inta badan dukumeentiyada kiisaska maxkamada sare waa ku qasab qareenada (eeg KCLGR 30). Si aad wax badan uga barato keydinta faylasha ee khadka booqo: kingcounty.gov/en/dept/dja/courts-jails-legal-system/court-forms-document-filing/filing/e-filing.
Translate