Skip to main content

Gudiga Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah ee Mustaqbalka

La jiranka Mashuurca Gaadiidka Mustaqbalka ee cusub, Metro Degmada King waxay dib u eegis buuxda ku samaynaysaa adeegeeda gaadiidka dadweynaha, Adeegga Gaadiidka Access. Waxaanan u baahanahay caawimo bulsho si aan u horumarinohababka adeegadada Access. Ma danaynaysaa? Codso Adeegyada Gaadiidka Dadweynaha ee Dadka Naafada ah ee Mustaqbalka maanta!

Hadafyada

Waxaa la qorsheeyay in la dhameeyo xagaaga 2025, mashruuca mustaqbalka Gudiga Gaadiidka ee Loogu Talagalay Dadka Naafada wuxuu higsan doonaa:

  • Hormarinta socodka dadka naafada ah ee aan awoodin in ay isticmaalaan gaadiidka wadooyinka saxmada badan naafonimadooda awgeed.
  • Horumarinta hufnaanta, waxtarka iyo saamaynta deegaanka ee Adeegga Gaadiidka Access.
  • Si siman ugu wargeliso, uga qaybgaliso oo la tashado macaamiisha daryeel bixiyayaasha, iyo adeeg bixiyayaasha hada iyo kuwa mustaqabalka ee Access.

Shuruudaha

Gudiga Hawlaha Gaadiidka Dadweynaha, Metro waxay raadinaysaa xubnaha bulshada ee buuxiya shuruudahan soo socda.

  • Rakaabka hada ee gaadiidka dadweynaha ee Access ama daryeel bixiyayaashada rakaabka gaadiidka dadweynaha ee Access.
  • Wakiilada ururada bixiya adeegyada/ama adeegyada taageerada ee rakaabka gaadiidka dadweynaha ee Access.
  • Wakiilada ururada kuwaas oo taageera rakaabka hada ee Access iyo/ama rakaabka suurtagalka ah oo leh aqoon Ingiriis oo kooban.
  • Taariikh rakaab ahaaneed ee Access ama u fidinta taageero gaadiid ahaaneed ee rakaabka Access (ugu yaraan shan sano oo waayo-aragnimo).
  • Waayo-aragnimada aqoonsiga caqabado badan oo gaadiid ahaaneed ee rakaabka Access (ugu yaraan hal sano oo waayo-aragnimo).
expand_less