Skip to main content

KingCounty.gov is an official government website.

Official government websites use .gov
Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.
Secure .gov websites use HTTPS
A lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Marin u helka basaska

Mid ka mid ah qiyaamka aasaasiga ee Metro waa sinnaanta. Waxaan si sharaf leh u siinaa adeeg la heli karo raacayaasha naafada ah dhammaan nidaamkayaga gaadiid-raaca, oo ay ku jiraan korida basaskayaga.

Basaska iyo meelo joogsiyada marinka loo heli karo

Wiishashka, janjarada kursiga curyaanka iyo basaska soo jilba joogsada

Dhamaan basaska Metro waxeey leeyihiin wiishash ay marin u heli karaan kursiga curyaanka oona ku leh jaranjarta kursiga curyaanka gudaha albaabka hore. Haddi aad isticmaalayso qalabka dhaq-dhaqaaqa ama aad u baahan tahay gargaar dheeraad ah markaa fuuleyso ama kasoo dageyso, fadlan waydii darawalkaaga wiishka. Basaskayadu sidoo kale way jilba joogsan karaan, taas oo macnaheedu tahay in sagxada baska la dejiyo si uu kuugula kulmo meel u dhow laamiga.

Meelo joogsiyada baska ee la heli karo

Xaqiiji in boosteejada baska uu yahay mid "la geli karo" ka hor intaadan safrin—tani waxay la macno tahay in wiishka baska loo isticmaali karo boosteejooyinka baska qaarkood.

Macluumaadka boosteejada baska ee la heli karo, waxaad sidoo kale ka wici kartaa Metro lambarka 206-553-3000.

Ku dhawaaqista boosteejooyinka baska

Basaska Metro waxa ay leeyihiin ogeysiiska boosteejada oo maqal iyo muuqaal ah oo toos ah iyo boodhadhka akhristaha. Labada nidaam ayaa ku ogeysiin doona marka basku usoo dhawaado boosteejadaada. Basaskayadu waxa kale oo ay wataan ogaysiis maqal ah oo dibadda ah, si ay kuu ogeysiiyaan jidka baska iyo meesha uu u socdo marka uu soo galo boosteejadaada.

Maxuu sameeyaa Metro

Dhamaan darawalada Metro waxeey helaan tababar ku saabsan muhiimada ay leedahay ku dhawaaqida boosteejada iyo wadada. Siyaasada Metro waa in lagu dhawaaqo dhammaan goobaha boosteejooyinka ah iyo dhammaan waddooyinka baska ee u adeega boosteejada bas kasta.

Metro waxeey la shaqeeysay raacayaasha ah indhoolayaal, kuwa aragga iyo garashada naafada ka ah si ay u abuuraan nidaamka ogeysiinta boosteejooyinka baska ee hadda iyo barnaamijkeena tababarka darawalka. Darawaliintu waxay ku isticmaalaan nidaamka ogeysiiska boosteejada ee otomaatiga ah basaska marka la heli karo. Haddii nidaamka aan la heli karin, Metro waxay uga baahan tahay darawaladu inay isticmaalaan makarafoon ama ay si sare ugu hadlaan si ay ugu dhawaaqaan boosteejada iyo wadooyinka.

U fadhiisinta si mudnaan-siin ah

Haddii kuraasta mudnaanta leh ay buuxaan oo aad u baahan tahay inaad fariisato xagga hore ee baska, fadlan u sheeg darawalkaaga. Darawalku wuxuu waydiin doonaa raacayaasha aagga mudnaan-siinta inay kursi kaaga dhigaan mid la heli karo haddii ay suurtagal tahay, laakiin qofna loogama baahna inuu dhaqaaqo. Fadlan xasuusnoow, naafanimada qaarkood ma muuqdaan, mana jirto naafanimo ka mudnaan leh mid kale.

La soo raacida qalabkaaga dhaqdhaqaaqa

Qalabkaaga dhaq-dhaqaaqa waxaa lagu qaadi karaa baska haddii aad si badbaado leh ugu rari karto dusha sare waxaana loo ilaalin karaa si badbaado leh. Qalabyada dhaq-dhaqaaqa ee ku habboon sharraxaadaha soo socda waa loo oggol yahay baska waana in lagu xafidaa aagga mudnaanta leh ama lagu soo laablaabo kursigaaga hoostiisa.

  • Loogu talagalay oo ayna adeegsadaan shakhsiyaadka leh baahida dhaqdhaqaaq
  • Mid lagu isticmaali karaa gudaha
  • Kor iyo hoos ayaa loo kicin karaa ama waxaa lagu socod-siin karaa gacanta

Caawiyayaasha dhaq-dhaqaaqa ee aan dhaqameedka ahayn waa in lagu xafidaa ama lagu kaydiyaa hoosta ama inta u dhaxaysa kuraasta.

Haddii aad wax welwel ah ka qabto ku habboonaanta qalabkaaga dhaqdhaqaaqa gudaha baska, waxaad ballan la qabsan kartaa Macalimiinta Gaadiidka Dadweynaha ee Metro. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan inaad hesho habka ugu wanaagsan ee aad u sugi karto qalabkaaga.

Akhri Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Caawinta markaad soo fuulayso

Mararka qaarkood waa waxyaabaha yaryar kuwa suurtogalka ka dhigaya in baska lala raaco qof naafo ah, darawaladayaduna waxay halkan u joogaan inay ku caawiyaan! Waxaa laga yaabaa inaad u baahato darawal si uu u taabto kaadhkaaga ah Halka Kaadh Goboleed ee Loogu talagalay Dhamaan (One Regional Card for All, ORCA). Ama si aad u joojiso baska meesha aad uga raaci karto ama uga dagi karto si dhib yar. Darawalada Metro waxeey sameeyaan ka reebitaanadan mar kasta oo ay suurtagal tahay, markaa fadlan weydii. Haddii darawalku aanu kugu caawin karin codsigaaga, waa inay kuu sheegaan sababta. Haddii aad ku dareemeyso raaxo la'aan safar kasta, fadlan la xidhiidh Adeegga Macmiilka ee Metro.

Aaladaha caawinta gaarka ah

Bartamihii 80-aadkii, Shaqaalaha Metro iyo guddiga la-talinta ee indhoolayaasha iyo isticmaalayaasha gaadiidka ee DeafBlind (Dhagoolayaasha & Indhoolayaasha) ayaa wada shaqeeyay si ay u abuuraan isticmaalka kaararka caawinta gaarka ah iyo xirmooyinka aqoonsiga baska. Aaladahaan waxaa isticmaali kara rakaabka naafada ah-iyo raacayaasha leh xirfada isgaarsiineed ee xadidan-si ay ugu sheegaan darawalada wadooyinka ay rabaan in loo wado.

Kaararka caawinta gaarka ah

  • Kaarka caawinta gaarka ah wuxuu ka samaysan yahay warqad wuxuuna ku yimaadaa afar midab.
  • Kaararka waaweyn waxaa ku jira meel bannaan oo adiga ama caawiyaha ay tahay in aad ku qorto magacaaga ama uu ku qoro magaciisa, meesha aad u socoto iyo dariiqa(yada) baskaaga.
  • Kaararka yaryar-oo lagu heli karo oranji iyo basali-waxaa ku jira boos aad ku qorto macluumaadkaaga xiriirka ee markey imaato xaalad degdegga ah.

Waxaa jira afar midab oo kaararka caawinta gaarka ah ay ka sameysan yihiin

Midabka kaarka Bogga aqoonsiga ee rakaabka
Cadaan Rakaabka indhoolaha ah
Jaale Rakaabka DhagoolahaIndhoolaha ah
Oranji Rakaabka leh xirfadaha Ingiriisiga ee xaddidan
Basali Rakaabka leh xirfadaha isgaarsiineed ee xaddidan

Xirmadaha aqoonsiga baska

Xirmooyinka aqoonsiga baska waxa ay ka samaysan yihiin caag adag waxaana lagu hayaa xidhid caag ah oo isku warwareegsan. Waxay ku yimaadaan laba midab waxaana ka muuqda lambarada iyo xarfaha wadooyinka baska (iyo ikhtiyaarrada gaadiid-safrinta ee kale) xagga hore ee tabkooda.

Waxaa jira laba midab oo ay leeyihiin xirmooyinka aqoonsiga baska

Midabka xirmada Bogga aqoonsiga ee rakaabka
Cadaan Rakaabka indhoolaha ah
Jaale Rakaabka DhagoolahaIndhoolaha ah

Tallaabooyinka loogu talagalay rakaabka isticmaalaya kaarka caawinta gaarka ah ama xirmada aqoonsiga ee baska

  1. Buuxi kaararkaaga caawinta ee gaarka ah

    Kaararka caawinta gaarka ah, ku qor lambarada baskaaga, meelaha aad tageyso iyo magacaaga. Haddii aad u baahan tahay caawimo, fadlan waydii daryeel bixiye, saaxiib ama xubin qoyskaaga ka hor safarkaaga.

  2. U rog jidkaaga xirmada aqoonsiga ee baska

    Haddii aad isticmaalayso xirmada aqoonsiga baska, isticmaal meesha taabashada ee caagga ah si aad u muujiso lambarkaaga ama xarafkaaga wadada ee baska.

    • Waxaa jira saddex meel-taabasho oo gudban oo ah lambarrada 0 ilaa 9.
    • Waxaa jira saddex meel-taabasho oo gudban oo ah xarfaha A ilaa L.
    • Meel-taabasho kasta oo lambar ama xaraf ah waxa ay leeyihiin farta indhoolaha si ay kuugu sheegaan waxa uu ka macno yahay qoraalka ka muuqda dhinaca hore ee qeyb taabasho kasta.
    • Waxaa ka jira meel taabasho weyn xagga dambe ee erayada Access, taksi iyo Uber/Lyft.
  3. Ku sugitaanka boosteejadaada baska

    Ku hay kaarkaaga caawinta ee gaarka ah ama xirmada aqoonsiga baska jidhkaaga hortiisa marka aad ku sugayso baska boosteejada baska, si ay hawlwadeenada baska (dareewalada) u arkaan adiga iyo kaarkaaga/xirmadaada.

  4. Darawalada ayaa ku caawin kara

    Hawl-wadeen ayaa ka soo bixi doona baskooda haddii jidkoodu uu la mid yahay midka ku qoran kaadhkaaga caawinta ee gaarka ah ama kaarka aqoonsiga baska.

    Haddii aad tahay rakaab Indhoole ama DhagoolIndhoole ah, darawalku wuxuu taaban doonaa dhudhunka gacantaada si uu u helo dareenkaaga. Waxay isticmaali doonaan daabacaadda habka calaacasha si ay ugu daabacaan lambarkooda ama xarafkooda jidka baska calaacalahaaga gacanta ee furan iyagoo isticmaalaya farahooda.

  5. Fuul baska

    Kuwa ah rakaabka Indhoolayaasha ah ama DhagoolIndhoole ah, darawalku wuxuu saari doonaa gacantiisa cududkooda, wuxuu kugu soo hagi doonaa baska, wuxuu kaa caawin doonaa inaad taabashada kaarkaaga ORCA oona kaa caawin doonaa inaad kursi hesho.

  6. Inta aad fuushan tahay

    Rakaab kasta oo haysta kaarka caawinta gaarka ah, hawlwadeenku wuxuu akhriyi doonaa kaarka oo uu hayn doonaa ilaa aad meesha boosteejadaada.

  7. Ka dag baska

    Marka basku yimaado boosteejadaada, darawalku wuxuu soo jeedin doonaa dareenkaaga (ama uu taaban doonaa cududdaada gacanta haddii aad indhoole tahay ama aad DhagoolIndhoole tahay). Waxay kuu soo celin doonaan kaadhkaaga caawinta ee gaarka ah (haddii aad mid leedahay) waxayna kaa caawin doonaan iney kaa dajiyaan baska.

Xayawaanada adeega iyo xayawaanka rabaayada ah

Xayawaanada adeega

  • Xayawaanka adeegga ee loogu talagalay dadka naafada ah waxay u raaci karaan Metro si bilaash ah.
  • Xayawaanka adeeggu waa inay ku sugnaadaan dhabta mulkiilahooda ama dhulka, iyagoon xidhin marinka. Haddii tani aysan ahayn ikhtiyaarka, xayawaanka adeeggu wuxuu fadhiisan karaa kursi haddii mid la heli karo.

Xayawaanada rabaayada ah

  • Eeyaha yaryar ee ku hadha dhabta mulkiilahooda waxay ku raaci karaan bilaash. Qiimaha eeyaha kale oo dhan waa in la bixiyaa.
  • Xayawaanada rabaayada ah ee aan eeyaha looma oggola Metro haddii aysan ka ahayn iney ku jiraan qaade. Qiimo looma baahna.

Haddii hab-dhaqanka xayawaanka adeegga ama xayawaanka rabaayada ah ay khatar geliso badbaadada ama raaxada darawalka ama rakaabka kale, milkiilahooda ayaa la weydiin doonaa inuu baska ka soo baxo isaga iyo xayawaankiisaba. Soo raacista ayaa sidoo kale la diidi karaa bilawga safarka sababo ammaan dartood.

FAQ

The seats at the front of the Metro buses flip up to create a space for your wheelchair, scooter, or walker etc.

Your mobility device must be strapped in facing the front of the bus, except on most RapidRide buses that also have a passive restraint area.

Shoulder and lap belts are not required, but are available upon request.

Use the seat belt-type straps to keep your mobility device steady. Drivers will look to make sure that your device is secured safely before leaving the stop. If you have a mobility device that is difficult to secure, consider contacting Metro's Transit Instruction program for assistance in figuring out the best way to stay safe.

Walkers and other mobility devices should be stored out of the aisle either strapped in or folded and stored under your seat. These devices cannot be used to sit on during your ride.

If you need help securing your mobility device, let the driver know when you get on the bus and they can help.

When you board, let the driver know where you will be exiting–they can then park the bus properly at your stop.

Most buses have a yellow push button strip or red stop request button on the bottom of the priority area’s flip-up seats. About a block before your stop, press the strip button. The STOP REQUESTED sign will light up and a bell will ding. You can ask the driver for the lift/ramp and help with your safety straps.

Accessible strollers are not just for children with disabilities. If someone with a disability has a child, they may use the priority seating area for their stroller.

If you have a child with a disability or you yourself have a disability and cannot safely hold your child during the bus ride, you may request that the stroller be secured and your child remain in the stroller. When boarding the bus, an adult should ride the lift up with their child to control the stroller.

Accessible strollers may have a Metro-approved sticker (not required). For more information on how to get a sticker, contact Metro Customer Service.

The use of safety belts is unnecessary for most situations, but you can request one. (Your driver should provide one if your route has a steep uphill or downhill climb.)

We distribute bus identifier kits and special assistance cards.

Riders can request these items by emailing accessible.services@kingcounty.gov. Riders should fill out their special assistance cards before using them.

Riders can get free transit instruction for these and other rider tools by emailing transitinstruction@kingcounty.gov or by calling 206-749-4242.

Blind or DeafBlind riders can also get free transit instruction by calling The Lighthouse for the Blind, Inc. at 206-322-4200 and asking for the Orientation and Mobility department.

Su'aalaha Inta Badan La Is Weydiiyo

Kuraasta xagga hore ee basaska Metro ayaa kor u laabma si ay boos ugu abuuraan kursigaaga curyaanka, mootada lagu ordo, ama lugeeyaha iwm.

Qalabkaaga dhaq-dhaqaaqa waa inuu u xidhnaadaa isagoo wajahaya dhinaca hore ee baska, marka laga reebo badi basaska RapidRide kuwaas oo waliba leh meel leh xakameyn dadban.

Looma baahna suumanka garbaha iyo dhabta, laakiin waa la heli karaa marka la codsado.

Isticmaal xargaha nooca-suunka ah si aad uga dhigto dhaqdhaqaaqa qalabkaaga mid xasiloon. Darawaliintu waxay eegi doonaan si ay u xaqiijiyaan in qalabkaagu si badbaado leh u xidhan yahay ka hor inta aan laga tagin boosteejada. Haddii aad haysato qalab dhaqdhaqaaq oo ay adag tahay in la sugo, tixgeli inaad la xidhiidho barnaamijka Waxbarashada Gaadiidka Dadweynaha ee Metro si aad uga hesho caawinaad ku aadan sida aad u ogaato habka ugu wanaagsan ee aad si nabdoon ku joogi karto.

Aaladaha socodka iyo aaladaha kale ee dhaqdhaqaaqa waa in lagu kaydiyaa meel aan marinka ahayn oo midkood la xidhaa ama la laalaaliyaa oo lagu kaydiyaa kursigaaga hoostiisa. Aaladahan looma isticmaali karo in lagu fadhiisto inta lagu jiro gaari raacaada.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad u sugi lahayd qalabkaaga dhaq-dhaqaaqa, u sheeg dirawalka marka aad baska soo fuusho wayna ku caawin karaan.

Markaad soo fuusho, u sheeg dirawalka meesha aad kaga dagi doonto-kadibna si fiican ayay baska u dhigan karaan boosteejadaada.

Basaska badankoodu waxay leeyihiin badhanka riixitaanka jaalaha ah ama badhanka cas oo ah codsashada joogsiga kaas oo ku yaalo xagga hoose ee kuraasta isku-laabma ee aagga mudnaan-siinta. Ku saabsan joojinta ka hor boosteejadaada, taabo badhanka xariijinta. Calaamadda "STOP REQUESTED" (Codsiga joojinta baska) ayaa shidmi doonta oo ganbaleel ayaa garaacmi doona. Waxaad waydiisan kartaa dirawalka wiish/jaranjarta gaariga curyaanka iyo caawinaad ku aadan suumankaaga badbaadada.

Gaari-sariireedyada la heli karo ma'aha oo keliya kuwo loogu talagalay carruurta naafada ah. Haddii qof naafo ah uu ilmo haysto, waxa laga yaabaa inay ku isticmaalaan meesha mudnaan-siinta gaari-sariireedkooda ilmaha.

Haddii aad heysato ilmo naafo ah ama adiga laftaadu aad naafo tahay oo aanad si badbaado leh u hayn karin ilmahaaga inta aad baska fuushan tahay, waxa aad codsan kartaa in gaari-sariireedka ilmaha amnigiisa la sugo oo ilmahaagu ku sii jiro gaari-sariireedka ilmaha. Marka baska la raacayo, qofka weyni waa in uu kor u kaxeeyaa wiishka ilmahooda si ay u xakameeyaan gaari-sariireedka ilmaha.

Gaari sariireedka ilmaha ee marinka loo heli karo ayaa laga yaabaa inay qabaan istiikar uu ansixiyay Metro (looma baahna). Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo istiikar, la xidhiidh Adeegga Macmiilka ee Metro.

Isticmaalka suumanka badbaadada looma baahna inta badan xaaladaha, laakiin waxaad codsan kartaa mid. (Darawalkaagu waa inuu ku siiyaa mid haddii dariiqaagu leeyahay dalcad sare ama degaandeg hoose.)

Waxaan qaybinnaa xirmooyinka aqoonsiga baska iyo kaararka caawinta ee gaarka ah.

Rakaabka ayaa waxay ku codsan karaan shey-yadan iyagoo iimaylka u soo diraya accessible.services@kingcounty.gov. Rakaabku waa inay buuxiyaan kaararkooda caawinta ee gaarka ah ka hor intaanay isticmaalin.

Rakaabku waxay heli karaan waxbarasho gaadiid-raaca dadweynaha oo bilaash ah kuwan iyo agabyada kale ee rakaabka iyagoo iimaylka u soo diraya transitinstruction@kingcounty.gov ama soo wacaya 206-749-4242.

Rakaabka Indhoolayaasha ah ama DhagaaloIndhoole ah waxay sidoo kale heli karaan waxbarasha gaadiid-raaca dadweynaha oo bilaash ah iyagoo ka wacaya The Lighthouse for the Blind, Inc. lambarka 206-322-4200 oo weydiisanaya waaxda Wax-kala-tusinta iyo Dhaqdhaqaaqa (Orientation and Mobility department).