Skip to main content
close

KingCounty.gov is an official government website. Here's how you knowexpand_moreexpand_less

account_balance

Official government websites use .gov

Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

South Link Connections

AHadba marka uu Link Light Rail uu usii gudbo koonfurta hoose kuna leh boosteejooyin Kent/Des Moines, Star Lake, and Federal Way barnaamijka dhaqdhaqaaqa South Link Connections wuxuu ka jawaabi doonaa baahiyaha korna u qaadi doonaa doorarka isku socodka bulshooyinka South King County. Hay’adda bassaska waxa ay wadashaqayn la yeelan dontaa Sound Transit Waxay ku furmaysaa tab cusub Ayadoo wadada tareenka ee Link light ay ku sii faafayso dhanka koonfurta ayadoo saddex boosteejo oo cusub laga sameeyay Kent Des Moines, Star Lake iyo Downtown Federal Way, mashruuca South Link Connections wuxuu diirada saarayaa inuu hormariyo dookhyada gaadiidka ee bulshooyinka ku dhaqan South King County. Metro ayaa kala shaqeynaysa

Guudmarka mashruuca

Isla marka la gaaro 2026, Sound Transit ayaa gaarsiin doonta Link light rail koonfurta ayadoo ku daraysa sadex boosteejo oo cusub: Kent Des Moines, Star Lake iyo Federal Way Downtown. Isbadello lagu sameyn doono basaska ST Express ee aaga ayaa sidoo kale dhici kara.

Si loo hormariyo shabakada gaadiidka dadweynaha ee qof kasta, Metro ayaa bilaabay mashruuc loogu talagalay bulshooyinka Koonfurta King Degmada King ee Algona, Auburn, Burien, Des Moines, Federal Way, Kent, Normandy Park, Pacific, SeaTac, Tukwila iyo qeybaha aan ka tirsanayn Degmada King. Mashruucani wuxuu abuuri doonaa shabakad gaadiid oo cusub oo ku xirta basaska Metro tareenka fudud ee Link, basaska ST Express iyo adeegyada gaadiidka Pierce ee Degmada King. Metro waxay dadaalkan kala shaqaynaysaa Sound Transit iyo wakaaladaha gaadiidka kale iyo magaalooyinka. Shabakadda gaadiidka ee cusub waxa la dhaqangalin doonaa isla wakhtiga xarumaha tareenka fudud ee Link ee cusub ee la furo.

Yoolalka mashruuca

  • Kor u qaadista dookhyada gaadiidka ee bulshooyinka muhiimada la saaraayo (sida lagu cadeeyay xeerarka la dejiyay ee Metro).
  • Kala hadlida iyo ku wargelinta bulshada isbadellada gaadiidka.
  • Bixinta adeegyada iskudhafan ee buuxinaaya baahiyaha bulshada.
  • Kor u qaadista waxtarka guud iyo ilaalinta bii'ada ee shabakada gaadiidka.

Qeeixtaanno kooban

Adeegga marin cayiman oo leh dookhyada soo qaadista iyo gayn rakaabka meelaha ay dalbadaan ee gaarka ah ee aagooda. Caadiyan waa bas yar.

Tirada daqiiqadaha u dhexeeya safarada baska.

Adeegaan baska ee loo muddeeyay inay socdaan ku dhawaad 15 daqiiqo kasta ama ka fiican laga bilaabo 6 am ilaa 7 pm maalmaha Shaqada, iyo 30 daqiiqo kasta ama ka fiican ee fiidadka iyo maalmaha dhamaadka asbuuca.

Adeegga gaadiidka oo la dalbado kaas oo iskaga kala goosha xaafadaha kaladuwan ee King County. Dadka rakaabka ah ayaa muddeysan kara safarada ayagoo adeegsanaaya abka taleefanka ee Metro Flex ama ayagoo wacaaya laynka boos qabsashada.

Adeegga gaadiidka ee shaqeeya inta lagu jiro wakhtiyada safarada saxmada badan (laga bilaabo 6 ilaa 9am iyo laga bilaabo 3 ilaa 7pm maalmaha shaqada ee asbuuca).

Xubnaha bulshada Madowga ah, Asalka ah iyo kuwa aan cadaanka ahayn; danyarta ah ama aan waxba haysan; soo-galooti ama qaxootiga ah; naafo ah; ama luqad ahaan kala duwan.

Sound Transit

Dhammaan noocyada gaadiidka dadwaynaha ee aaga oo ka wada shaqeeya ka caawinta dadka inay safraan. Tan waxaa ku jira adeegyada baska, xadiidka, tareenka, adeegyada kaladuwan, iwm.

Ahmiyadaha isku socodka ee mashruuca

Metro waxay ururisay jawaab celinta bulshada habab kala duwan ayuu u soo uruuriyay Wajiga 1-aad waxayna kala shaqeeyeen Gudiga Isu-socodka si ay u kala mudnaan siiyaan shanta mudnaanta ugu weyn ee hoose. Metro waxay isticmaashay mudnaanahan si uu ugu wargaliyo isbadalada la soo jeediyey ee shabakada gaadiidka.

Adeegga gaadiidka oo balaaran

Kor u qaadista adeegga aalaseyda hore iyo xiliga habaynkii

Wakhtiyada safarka oo boobsiis ah gudaha iyo banaannada aaga mashruuca

Waddooyinka la casriyeeyay ee bariga iyo galbeedka

Kordhinta adeegga maalmaha fasaxa asbuuca, gaar ahaana maalmaha sabtida

Metro ayaa sii wadi doonta inay kala shaqeyso iskaashatadeena baahiyaha kale ee la aqoonsaday ayna ku jirana:

  • Joogtaynta iyo hormarinta adeegyada joogtada ah ee baska.
  • Kor u qaadista adeegga duhurkii inta lagu jiro maalmaha shaqada ee asbuuca.
  • Fududeynta kala wareegga gaadiidka ka dhex shaqeeya aaga mashruuca South Link Connections.
  • Kor u qaadista badqabka iyo raaxada gaadiidka ee boosteejooyinka iyo basaska/tareenada.
  • Kordhinta isku halaynta iyo safarada wakhtigooda ku baxaaya.

Wajiga 3 soo jeedinta shabakada gaadiidka

Metro ayaa adeegsatay mudnaanta sare, hababka ugu wanaagsan ee qaabaynta adeega iyo tixgalinta sinaanta si ay u soo jeediso cusboonaysiinta shabakada gaadiidka ee Koonfurta King Degmada King.

Waxyaabaha Muuhiimsan ee soo jeedinta Wajiga 3

  • Isku xiritaanada gaadiidka dadweynaha ee cusub: Ku daritaanka isku xiritaano cusub ee boostaajada tareenka fudud ee Link mustaqbalka.
  • Adeegyada maalinta oo dhan ah: Maalgalinta wadooyinka baska ee shaqeeya maalinta oo dhan, maalin kasta, oo leh 47% safaro dheeraad ah maalmaha shaqada iyo 80% safarada maalmaha dhamaadka todobaadka oo dheeraad ah.
  • Adeeg cusub oo la cusboonaysiiyay ee maalmaha dhamaadka todobaabka: Adeeg cusub ee Sabtiyada iyo Axadaha waxaa laga helo karaa Burien iyo adeeg cusub ee Axadaha inta u dhaxaysa Kent iyo Federal Way. Adeegyo badan oo joogto ah ayaa maalmaha dhamaadka todobaadka laga heli karaa ah inta u dhaxaysa Kent Des Moines Station, Kent Station, Kent East Hill iyo Green River College. Wadar ahaan, shabakada Wajiga 3 ayaa bixin doonta 61% safaro badan Sabtida iyo laba jibaar safarada Axada marka la barbardhigo maanta.
  • Adeega bariga iyo galbeedka ee la hormariyay: Hormarinta wadooyinka muhiimka ah ee goobta oo dhan, oo ay kamid yihiin:
    • Adeeg cusub oo joogto ah oo isku xira Highline College, Kent Station and Green River College.
    • Adeeg joogto ah inta u dhaxaysa Twin Lakes Park & Ride, Federal Way Downtown Station iyo Auburn Station.
  • Adeegyada la heli karo marka loo baahdo: Daahfurka adeegyada cusub ee la heli karo marka loo baahdo Metro Flex ee tijaabada ah ee Federal Way iyo Auburn si loogu xiro dad badan gaadiidka dadweynaha.
  • Adeeg dhakhso badan: Cusboonaysiinta wadooyinka baska ee u dhexeeya West Federal Way iyo Downtown Federal Way si isku xirkan looga dhigo mid dhakhso badan, toos ah oo sahlan looga kala gudbo.
  • Isbadalada wadada: Joojinta qaar kamid ah wadooyinka u dhaxeeya Koonfurta King Degmada King iyo Downtown Seattle si:
    • Looga fogaado adeegyada isku xiran ee tareenka fudud ee Link.
    • Dib u maalgalinta kheyraadka waddooyinkan si aad u xoojiso adeegyada maalinta oo dhan, toddobaadka oo dhan ee ku xira tareenka fudud ee Link.

Samee sahankayaga xog-aruurinta ah ugu dambayn Agosto 31

Khariidadda aagga shabakadda la soo jeediyay ee South Link Connections..

Taabo ama dooro khariidada si aad u weyneyso oo u sahamiso shabakadda la soo jeediyay, ama fiiri isbarbardhigga shabakadda hadda jirta.

Isbadellada adeegga oo lagu saleeyay nooc

Adeeg Cusub

164, 166, DART 902, balaarinta Federal Way Link, tijaabada South Auburn Metro Flex, Tijaabada Federal Way Metro Flex

Adeeg la horumariyay

181, 182, 183, DART 631, DART 903

Adeegga wax laga badelay

156, 187, 193

Ma jiro wax isbadal ah oo lagu sameeyay adeega

A Line

Marinnada la joojiyay

121*, 122*, 123*, 154*, 157*, 162, 165, 177, 178*, 179*, 190*, 197*, DART 901

* Wadooyinka hadda la hakiyay / aan shaqaynayn.

Isbadellada adeegga oo lagu saleeyay aag

Mashruuca South Link Connections ayaa loo qaybiyay labo aag: waqooyiga iyo koonfurta. Aagga waqooyiga waxaa ku jira Burien, Des Moines, Kent, Normandy Park, SeaTac iyo Tukwila. Aagga koonfurta waxaa ku jira Auburn, Algona, Federal Way iyo Pacific. Si aad xog dheeraad ah uga ogaato isbadellada lagu taliyay ee aagaaga, guji batoonnada aaga waqooyiga iyo aaga koonfurta ee hoose.

Hanaanka iyo Xilliga u socon doono

  • Maarso ilaa abriil 2024

    Wajiga 1-aad Qiimeeynta Baahida

    Inta lagu jiro wajigii kowaad ee ka qaybgalinta, Metro waxaan wadaagnay macluumaadka ku saabsan guudmarka mashruuca Waxaanu soo ururinay macluumaadka ku saabsan baahiyaha adeega anagoo dib u eegis ku samaynay xogta jirta iyo warbixinada ka qaybgalinta dhawaan, jawaab celin toos ah ee laga helay sahan, ka qaybqaadashada qof ahaan, wada hadal lala yeeshay Ururada Bulshada (Community-Based Organizations, CBOs) iyo talooyinka ka yimi Gudiga iskaashatada ee Dib u eegista iyo Guddiga Isu-socodka. Waxaan falanqaynay jawaab celinta si aan u helno mowduucyo guud waxaana la shaqeynay Gudiga Isu-socodka si aan u aqoonsanno mudnaanta muhiimka ah. Mudnaantani waxay ka caawin doontaa qaabaynta qorshaha adeegga qabyada ah, kaas oo aanu la wadaagnay ra'yi-celinta dadweynaha wajigii labaad.

  • Jiilaalka 2024 ilaa 2025

    Wajiga 2-aad: Fikradaha adeega

    Inta lagu jiro wajiga labaad ee ka qaybgalinta Metro la wadaago isbedalada la soo jeediyay ee ku salaysan jawaab celinta Wajiga 1. Waxaan soo aruurinay jawaab celin ku saabsan isbadalada la soo jeediyay si aan si wanagsan ugu fahamno mudnaanta bulshada iyo sida ay u hagi lahaayeen wixii cusbooneysiin ah ee qorshaha. Waxaan ka soo uruurinay jawaab celin toos ah sahano, ka qaybgalinta qof ahaan iyo wada hadal lala yeeshay Ururada Bulshada (CBOs). Waxaan dadka ku wargalinay sida looga qaybqaato ololaha baraha bulshada, qoraalada websaytka ee luuqado kala duwan ku qoran, xayaysiisyada warbaahinta kala duwan, qoraalada iyo iimaylka digniinta gaadiidka, calamadaha digniinta Rider ee boosteejooyinka basaska iyo xarumaha gaadiidka, iyo wadaaga macluumaadka luuqado badan ee khadka onlaynka ah iyo daabacaad. Waxaan isu keenay Gudiga Isu-socodka iyo Gudiga Iskaashatada ee Dib u eegista si aan uga hadalno saameynta wejiga 2 ku leeyahay sinnaanta, waxa aan ka baranay ka qaybgalinta bulshada, iyo faa'iidooyinka iyo khasaaraha ugu waaweyn ee ikhtiyaarrada shabakada gaadiidka kala duwan.

    Wajiga 2 Soo Koobitaanka Ka Qaybgalinta Bulshada

  • Xagaaga 2025

    Wajiga hadda

    Wajiga 3-aad: Soo jeedinta adeega

    Wajiga ugu dambeeya ee ka qaybgalinta, Metro waxay dadweynaha la wadaagi doontaa qorshayaasha adeega ee la cusboonaysiiyay, iyada oo sharaxaysa sida talada bulshada ee Wajiga 2 ay u saamaysay cusboonaysiintan. Waxaan raadin doonaa jawaab celin ku saabsan sida loo hagaajiyo qorshayaasha kahor intaanan dhamaystirin. Waxaan sidoo kale soo koobaynaa wajiyadii hore ee mashruuca, waxaan sharaxi doonaa sida jawaab celinta bulshadu u qaabaysay qorshihii ugu dambeeyay waxaanan ka hadli doonaa talaabooyinka xiga. Metro waxay la shaqayn doontaa gudiga Isu-socodka iyo Gudiga Iskaashatada ee Dib u eegista si ay u dhamaystiraan soo jeedinta South Link Connections ee dayrta. Golaha Deegaanka King ayaa la filayaa inay talaabo qaado horaanta sanadka 2026.

Hababka looga qeybqaadanayo

Anagoo adeegsanayna hanaanka fikir uruurinta gaarka ah ee hufan ee sadexda waji ah ee bulshada, Metro ayaa meesha ka saaraysa caqabadaha waxayna bixinaysaa fursado ay helayaan bulshooyinka South King County ay ku muujiyaan baahiyahooda gaadiidka ayna door macno leh ugu yeeshaan isbadellada marinka ee Metro. Metro ayaa la shaqeysa bulshooyinka maxaliga ah, gaar ahaana bulshada muhiimada la saaraayo kuwaasoo awal laga reebi jiray wada hadallada go'aan gaarista saamayn xunna ay kasoo gaartay go'aanadaan, ayadoo adeegsanaysa qaababka macnaha badan, isku dhafan ee bulshadu hagayso. Waxaan ka wada shaqeynaa faahfaahinta, uruurinta fikradaha, qiimeynta iyo go'aaminta isbadelllada ugu wanaagsan ee wadada ee bulshooyinka South King County.

Samee sahankayaga xog-aruurinta ah ugu dambayn Agosto 31

Xilliga wajiga 1 aad, Metro waxa ay samaynaysaa Guddi isu Socodka tareenka isku xirka koonfurta South Link Connections kaaso wakiil ka ah aagga mashruuca oo si siman u metelaya dadyoowga taariikhiyan laga reebay wada-hadallada go'aan-qaadashada ee la xidhiidha gaadiidka iyo kuwa ay si aan iskumid lahayn u saameeyay go'aamadan. Doorka koowaad ee Guddiga Iskusocodka waa inay la shaqeeyaan shaqaalaha Metro si loo horumariyo oo loo sii lafa-guro isku-xidhka gaadiidka ee South King County.

Inta lagu jiro habka ka qaybgalinta, Metro waxay la kulantay daneeyayaasha dibada ah kuwaas oo u adeega gudiga dib u eegista fikrada, loo yaqaan Gudiga Iskaashatada ee Dib u eegista. Gudiga Iskaashatda ee Dib u eegista waxa kamid ah wakiilo ka socda maamul goboleedyada iyo machadyada waaweyn ee goobta mashruuca, hogaamiyayaasha ururada bulshada iyo wakiilo ka socda iskaashatada wakaaladaha gaadiidka. Doorka aasaasiga ah ee Guddiga Dib u eegista Iskaashatada waa inay wargaliyaan, dib u eegaan oo ay faalo ka bixiyaan fikradaha ku saabsan adeega ee ay soo saareen Guddiga Isu-socodka. Hadii ururkaagu ku jiro goobta adeega oo uu xiisaynayo ku biiritaanka Guddiga Dib u eegista Iskaashatada, fadlan buuxi foomka waydiinta gaaban.

Dib u eegidda Dhaqangalka Sinnaanta

Mashruuca South Link Connections waxaa ku jiri doona daraasadda Dib-u-eegista dhaqangalka Simidda (EIR) si loo hubiyo in isbeddelka marinka ee la soo jeediyay ay sii wanaajineeyso iskusocodka iyo marin u helka gaadiidka dadka taariikh ahaan aan si buuxda loogu adeegi jirin ee Degmada King. Waji kasta oo ka mid ah habka qorshaynta, Metro waxay dib u eegi doontaa xogta farsamada iyo natiijooyinka kulamadii dadka mudnaanta leh si ay u fahmaan saameynta la filayo ee bulshooyinka aan la daboolin ayna ogeysiiyaan go'aamada qorsheynta.

Falanqaynta Dib u eegista Saamaynta Sinaanta (Equity Impact Review, EIR), Jawaab celinta ka qaybgalinta bulshada iyo qaabaynta adeega hab-dhaqanada ugu wanaagsan waxay dhamaan wargalin doonaan isbadalada la soo jeediyay ee ku saabsan mashruuca South Link Connections.

Nala soo xiriir

Fadlan nagula soo xiriir luuqada aad doonta adigoo inoogu soo diraya emeel: haveasay@kingcounty.gov

SIsdiwaangali si aad u hesho wixii soo kordha

Hel wixii iska sootara mashruuca iyo ogeysiisyada ku saabsan kulamada iyo balamada muhiimka ah. Si aad isu diiwaan geliso, geli macluumaadkaaga xidhiidhka Haddii aad wax su'aalo ah ka qabto adeeggan,

expand_less